Dadyoowga ku nool gobolka Stockholm, badi ahaan waxay awoodaan doorashada meesha ay ku taalo rugta daryeelka-caafimaadka iyo dakhtarka ay rabaan ee gobolka. Mashruuca Vårdval Stockholm oo hirgalay 2008, waa hab lagu maamulo daryeelka-caafimaadka. Haseyeeshe, ujeedada ugu wayn waxay tahay in qofka la siiyo fursad uu ku doorto daryeelka-caafimaadka baahidiisa dabooli kara.

Tusaale ahaan, qofku wuxuu dooran kara rugta daryeelka-caafimaadka oo:

  • ku taallo goob hoygiisa ama goobta shaqadiisa u dhow
  • daahid la’aan lagu qaabili karo
  • furan saacado u habboon
  • laga ballanqabsan karo iyadoo goobta Internetka la adeegsado
  • laga helo shaqaale afkaaga ku hadlo
  • uu ka hawlgalo qof ku fahmi karo
  • uu ka hawlgalo qof ku yaqaanno
  • qof kale kula taliyay.

Waa kuwee noocyaha daryeelka-caafimaadka ee ka tirsan Vårdval Stockholm?

Vårdval Stockholm waxa kolba lagu kordhiya daryeel-caafimaad, qorshuhuna waxaa weeyaan in mustaqbalka dambe laamaha daryeelka-caafimaadka la sii kordhiyo. Vårdval Stockholm wuxuu haatan ka kooban yahay:

  • rugta daryeelka-caafimaadka/rugta tahktar-qoyska (vårdcentral/husläkarmottagning)
  • rugta ummulisooyinka/rugta daryeelka hooyoyinka (barnmorskemottagning/mödravårdscentral) (MVC)
  • umulinta (förlossning)
  • rugta daryeelka caafimaadka carruurta (BVC)
  • rugta daryeelka-caafimaadka lugaha (fotsjukvård)
  • qalliinka caadka indhaha (gråstarrsoperation)
  • qalliinka misigta iyo lawga (höft- och knäprotesoperation)
  • dhaqdhaqaaqida hadalka (logopedverksamhet)
  • eegidda gudaha indhaha ee loogu talagalay dadyowga cudurka sonkorta qaba (ögonbottenfotografering för diabetiker).

Kuwee ayaan kala dooran kara?

Waxa aad kala dooran kartaa takhtarrada ka hawlgala gobolka Stockholm ee adeegaas shahaado u haysta, yacnii rugaha caafimaadka ee aqoonsi ka haysato maamulka gobolka Stockholm. Heerka tayada ee xarumaha daryeelka-caafimaadka oo idil – kuwa degmooyinka laga maamulo iyo kuwa gaar ahaanta loo maamulo waa isku mid.

Sideen u doortaa?

Rugta daryeelka-caafimaadka waxaa lagu dooran karaa iyadoo adeegga e-mailka ee Mina vårdkontakter (Xiriiradayda daryeelka-caafimaadka) la adeegsado. Isla qaabkaas ayaa rugta daryeelka caafimaadka carruurta loo doortaa. Teeda kale, qofku wuxuu foomka keeni kara ama u soo diri kara rugta. Warbixin faahfaahsan waxa la heli kara iyadoo la gujiyo ciwaanka laga sii gelayo.

Warbixin ku saabsan sida xarumaha daryeelka-caafimaadka kale loo helo, waxaa laga akhrisan kara warbixin mid kasta u gaar ah. Liiska dhinaca bidixda waxaa laga dooran karaa nooca daryeelka-caafimaadka qofku uu doonaayo.

Waxyaalaha aad ku dooran karto

Doorashada xarumaha daryeelka-caafimaadka waxay fududaan karaan haddii xarumaha lays barbardhigo. Waxyaalaha laga qiyaas qaadan karo waxaa kamid ah tirada daqiiqadaha taleefan qabashada la sugo iyo aragtida sida loo soo dhoweeyay bukaan-socodyada beri hore xarunta booqday. Warbixin faahfaahsan waxaa laga akhrisan kara goobta ay ku qoran tahay Jämför vård (is-barbardhig daryeelka-caafimaadka).

Haddii u jiro saf, sida kuwa qallinka loo galo, waxaa xaaladas lays barbardhigi karaa dhererka safafka xarumaha daryeelka-caafimaadka ee kala duwan. Liiska dhinaca bidixda wuxuu qofku ka dooran kara daryeelka-caafimaadka ee khuseeya.

Luqado kale

Waxaa la heli kara warbixintan oo luqooyin kale ku qoran. Riix goobta luqada.

Översättning: Semantix